Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda KMG Soomaaliya Gen: Cabdullaahi Maxamuud Gaafoow oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu uga waramay dad dhawaan lagu qabqabtay Baasabooro kuwii hore ah.
Gaafoow ayaa waxa uu ku eedeeyey Maamulada Somaliland iyo Puntland inay wali aqbalaan baasaboorkii Isticmaalkiisa.
"Mar hore baan joojinay isticmaalka baasaboorka Cagaaran, waxaan qabanay 100 Baasaboor oo loo waday Somaliland wali waxaa laga isticmaalaa baasaboorkaasi Puntland iyo Somaliland" ayuu yiri Gen: Gaafoow Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda KMG Soomaaliya.
Sidoo kale Maamuladaasi ayuu ku eedeeyey Mr. Gaafoow inay cadaadiyaan muwaadiniinta Soomaalida ee wata Baasaboorka Cusub ee E Passaport oo ah kan dowladdu dalka u soo samaysay.
Ugu danbeyntii dowladda KMG ah ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waday qorshe ay ku dardar galinayso isticmaalka E Passprt cusub.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com