Dagaallo maanta ka dhacay deegaanka Yurkut.
Soomaalinews.com 24 Jun 12, 12:47

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya, Ciidanka Itoobiya oo isku dhinac ah iyo kuwa Xarakada Alshabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Yurkut ee kala qeybiya gobolada Bay iyo Bakool.

Dagaalka ayaa ka dambeeyey markii Ciidamo ka tirsan kuwa Xarakada Alshabaab dhabaha u galeen ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa dowladda KMG oo deegaankaasi marayay.

Weerarka dhaba galka ah markii uu soo gabagaboobmay waxaa goobta ka qarxay dagaal fool ka fool ah oo dhexmaray Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xarakada alshabaab.

Lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka dhexmaray ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xarakada alshabaab, iyadoo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan gaari Uuraal ah laga gubay Ciidamada Itoobiya.

La soco wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalka Insha Allaah.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698