Isku soo bax lagu taageerayo go aamadii Madaxweyne Shariif oo maanta ka dhacay Muqdisho.
Soomaalinews.com 24 Jun 12, 11:20

Maanta barqadii waxaa isku soo bax dad badan isugu yimaadeen Taalooyinka Xaawo Taako iyo SYL oo taageerayay go aamadii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu dib ugu soo celiyey hantidii ay lahaayeen Saraakiil hore oo ka tirsanaa dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Dadkii isku soo baxay waxay dareenkoodu ku muujiyeen go aanadii Madaxweynaha iyagoo banaanbaxa ay soo qaban qaabiyeen ururada Bulshada Rayidka ah.

Isku soo baxayaashu oo socdaal ku soo maray inta u dhaxeysa Taalooyinka Xaawo Taako iyo SYL ayaa muujiyey dareenkooda iyagoo hadalo ay aad ugu soo dhawaynayaan go aankaasi ku dhawaaqayay.

Muxudiin Xasan Afrax oo ka mid ah ururada Bulshada Rayidka oo banaanbaxii maantay ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada banaanbaxa uu ahaa mid dadka isu soo baxay ay soo dhawaynayaan go aankii Madaxweyne Shariif uu dib ugu soo celiyey hantidii horay lagala wareegay Saraakiishaasi.

Banaanbaxa ayaa ku dhammaaday jawi nabadeed kadib markii ay goobta soo gaareen Ciidamada Nabad sugida oo ku amray isku soo baxayaashii inay joojiyaan arrimo la xariira Amaanka oo aan la isku halayn karin.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698