Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Xerada Dhadhaab ee gobolka NFD.
Soomaalinews.com 24 Jun 12, 10:03

Ganacsade Soomaali ah ayaa lagu toogtay xeryaha dhadhaab ee gobalka NFD sida uu sheegay guddoomiyaha Ururka Qaxootiga Soomaalida ee halkaasi Cabdi Fataax Ismaacil.

Cabdi Fataax Ismaaciil ayaa sheegay inay maqleen xalay rasaas kadibna loo soo sheegay in la dilay Ninkii dukaanka, iyagoo aan garanayn kooxihii toogtay.

Sidoo kale labo Boolis ayaa lagu dhaawacay qaraxyo ka dhacay magaalada Mandheere oo ku taala soohdinta Soomaaliya, waxaana loola cararay isbitaal goobta ku yaala.

Waxa soo kordhaya Amni darida ka taagan xeryaha qoxootiga gobalka NFD tan iyo markii ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya sanadkii hore.

Xeryaha dhadhaab waxa ay hooy u yihiin ku dhawaad 460000 oo qof, bishii October,labo shaqaalaha hay adda dhaqaatiirta aan xuduuda laheen ee MSF oo u dhashay dalka Spain ayaa laga afduubtay xeryahaas kuwaas dableey hubeesan ay la soo aadeen Soomaaliya.

Waa qofkii seddaxaad ee halkaas lagu dilo tan iyo bishii March ee sanadkan sida ay lee yihiin saraakiisha ammaanka xeryahaas.



Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698