Madax Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Xukuumadda KMG Gen Cabdullaahi Gaafoow oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka war bixiyay wax qabadka hayaddaas mudadii sedaxda Bilood ahayd ee aynu soo dhaafnay.
Gen Gaafoow ayaa sheegey in waaxdu horumar ballaaran ay ka samaysey dhinaca Garoonka, Kontoroolka Baasaboorada iyo la socoshada Dadka Soomaalida ah iyo kuwa ajaaniibta ee dalka ka dhoofaya ama soo galaya.
Madaxa waaxdaas ayaa sheegey in Hayaddu mudadaas sedaxda bilood ahayd ay u madax banaaneed gudashada waajibaadkeeda isla markaana horumar wanaagsan ay samaysey.
Mar uu Gaafoow ka hadlayay dhinaca baasaboorada gaar ahaana Somalland oo weli laga Isticmaalo Baasaboorkii cagaarnaa ayuu sheegey in taas ay dhamaatay isla markaana baasaboorka xiligan laga isticmaalo Somaliland uu yahay midkan E-pasaborka.
Cabdullaahi Gaafoow ayaa qiray in wax Xafiis ah aysan ku lahayn Hargaysa balse ay jiraan Shirkado ay qandaraas ku siiyeen bixinta Baasaboorkan kaasoo ka dhaqan galay Magaalada Hargaysa dadka baxayana ay qaataan Baasaboorkaas.
Cabasho ka timid dhinaca Somaliland dadkeeda darted ayuu Gaafoow sheegey in ay u bixiyeen qandaraaskaas hawshuna ay iminka tahay mid si habsami leh ku socota isagoona meesha ka saaray in Baasaboorkaas dib loo macmi karo.
Mar uu ka hadlay bixinta Baasaboorada ayuu sheegey Gen Gaafoow in xiligan wax dhibaata ahi aysan ka jirin isla markaana ay dadku si fudud uga qaadan karayaan Xafiisyada ay ku leeyihiin guud ahaan Magaalooyinka Soomaaliya sida Magaalada Muqdisho.
Si kastaba Xafiiska Emagrationka Magaalada Muqdisho ayaa lagu arkayaa Saxmad aad u badan iyadoona xiligan ay jiraan Dad aad u fara badan oo halkaa u soo baasabooro doonanaya maalin walba in kastoo dadku ay ka cabanayaan Mudada Baasaboorka la sugayo oo ah mid aad u badan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com