Odayaasha Dhaqanka Muqdisho oo laalay Qodobadii ka soo baxay shirkii Saxiixayaasha.
Soomaalinews.com 24 Jun 12, 09:44

Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ee Muqdisho ku sugan ayaa laalay Qodobo ay ku heshiiyeen Saxiixayaasha Road Mapka taasoo ah in la kala diro Odayaasha Dhaqanka iyo Ergada Ansixinta Dastuurka marka ay howlahooda dhameystaan.

Waxay sheegeen Odayaasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed inaan wax laga badali karin go aamada ay soo saareen kuna adkeysanayaan.

Malaaq Maxamad Yacquul oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in go aanka saxiixayaasha uusan ahayn Aada Qur aan, isagoo sheegay in odayaashu mar waliba ay leeyhiin Mudnaanta, haddii aan la samayn Gole sare oo Odayaal ahana aysan waxba soconayn.

Haddalkan ayaa imaanaya xili maalintii shalay Raiisul Wasaaraha xukuumadda KMG Soomaaliya Cabdi Wali Maxamad Cali Gaas uu shegay in Odayaasha aysan xaq u lahayn in ay go aan garaan ooay leeyihiin kaliya inay talo soo jeediyaan aysan qalad tahay inay go aan gaaraan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698