Waaxda Arimaha Dibadda Dalka Canada ayaa Digniin ujeediyay Muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Kenya taasi oo ku saabsan in ay ka feejignaadaan Qaraxyo iyo Weeraro Xarakada Al-Shabaab ay labeegsan karaan dadka Canadianka ah ee jooga Kenya
Wasaarada arimaha Dibadda Canada waxa ay tilmaamtay in Wadanka Soomaaliya oo daris la ah Kenya uu Hooy u yahay Argagaxiso islamarkaana ay kadagaalanto Xarakada Al-Shabaab oo ku hanjabtay in ay Weerari doonto Ajaanibta kusugan Kenya
Warka kasoo baxay Canada ayaa lagu sheegay in ay jiraan Muwaadiniin u dhashay Canada oo qaab Ganacsi ahaan ujooga Kenya kuwaasi oo iyana looga digay in ay usoo safraan Magaalooyinka u dhaw Xadaka Soomaalia iyo Kenya.
Waxaa si aad ah usii kordhaya Qatarta kusaabsan in Al-Shabaab ay weeraro iyo qaraxyo ay ka geestaan dalka Kenya iyadoo safaaradda dowladda maraykanka ee Kenya ay sidoo kale muwaadiniinteeda Kenya ku sugan uga digtay inay aadaan magaalooyinka loo dalxiis tago.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com