Maamulka gobolka Hiiraan dowladda KMG oo beeniyey inay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Magaaladaasi.
Soomaalinews.com 20 Jun 12, 05:26

Maamulka dowladda KMG Soomaaliya Gobolka Hiiraan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Baladweyne ay ka baxayaan Magaaladaasi.

Guddoomiye ku xigeenka Amaanka Maamulka gobolka Hiiraan ee dowladda KMG Soomaaliya Axmed Inji oo la hadlay Saxaafada ayaa beeniyey wararkaasi sheegaya inay ka baxayaan baladweyne ciidamada Itoobiya, isagoo shaaciyey inaysan ka baxayn Magaaladaasi Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan.

Axmed Inji wuxuu sheegay in ciidamada Itoobiya aysan ka baxayn Magaalada Baladweyne ilaa ay ka saarayaan dalka Soomaaliya oo dhan Xarakada alshabaab, isagoo tilmaamay in Qorshaha Ciidamada Itoobiya uu yahay in Alshabaab ay la dagaalamaan meel kasta oo ay soomaaliya ka joogaan.

Ugu danbeyntii Ciidamada Itoobiya ee soo galay qaar ka mid ah gobolada Dalka Soomaaliya waxay ka baxeen Degmada Ceelbuur, Wabxo, Maxaas, Baladxaawo waxaana la hadal hayay maalmahan inay boorsooyinkii ka xir xirteen Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698