Dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka la magac baxay Somaliland ayaa maanta shir uga furmaya Magaalada Lodon ee dalka Ingiriiska, shirkaasoo looga hadlayo inay labada Dhinac isku soo dhawaadaan.
Qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida ku nool dalka Ingiriiska oo faahfaahin ka bixiyey shirka maanta uga furmaya Somaliland iyo dowladda KMG Soomaaliya ayaa tilmaamay inay soo dhawaynayaan shirkaasi.
Shirkan ayaa la sheegay inuu yahay midkii ay ku heshiin lahaayeen Maamulka Somaliland oo 20-kii Sano ee ugu danbeysay gooni ka noqday Soomaaliya inteeda kale, waxayna wada hadalada salka ku hayaan sidii dowladd dhexe ay isugu imaan lahaayeen labada dhinac.
Dalalka Midowga Yurub oo hormuud ka ah shirkan ayaa si aad ah u danaynaya in Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ay heshiiyaan islamarkaana isugu yimaadaan dowladd dhexe, lagana heshiiyo dhaqaalaha.
Ugu danbeyntii lama oga in wada hadaladani guul ku dhammaan doonaan iyo inay fashilmi doonaan, maadaama maamulka Somaliland uu dadaal ugu jiro sidii soomaaliya inteeda kale ay ka go’I lahaayeen.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com