Wararka ka imaanaya Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi ka furmaya shir ay isugu imaanayaan 6-da Saxiixayaasha Habraaca Marxalada Kala guurka ee Road Map-ka.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya Maxamad Cali Ameeriko ayaa sheegay in maanta lagu wado in Saxiixayaasha Soomaalida kullan ku yeeshaan Magaalada Neyroobi ee Dalka Kenya.
Ujeedka shirkan ayaa la sheegay in lagaga hadli doono waxyaabihii ka dhaqan galay Heshiiskii Addis Ababa iyo sida uu u socda Barnaamijak habraaca Marxalada kala guurka ee Road Map-ka.
Ugu danbeyntii waxaa magaalada Neyroobi ee dalka Kenya ku sugan dhammaan 6-da Saxiixayaasha si ay uga qeyb galaan kullanka maanta furmaya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com