Saxiixayaasha Road Map-ka oo maalinta Barito ah shir uga furmaya Magaalada Neyroobi.
Soomaalinews.com 19 Jun 12, 13:15

Waxaa Maalinimada berri ee lagu wadaa in magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya uu ka furmo Shirka Saxiixayaasha Road Mapka Soomaaliya.

Xubnaha saxiixayaasha qaar ka mid ah ayaa lagu soo waramayaa in iminkaba ay gaareen Magaalada Nayroobi iyadoo xubanaha harsana la filayo in illaa iyo manta gelinka danbe ay soo gaareen Xubnaha kale ee aan weli iyagu halkaa soo gaarin.

Safiirka Soomaalida ee Dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyay shirkaas iyo inuu maalinimada beri ah uu halkaa ka furmayo kaasoo uu sheegey in looga hadlayo dhamays tirka waxyaabihii ka harsanaa Heshiiskaas.

Ambashaddoor Ameeriko ayaa intaa ku daray in Shirku uu u gooni yahay Soomaalida oo keliya oo aysan ka qayb galeen Beesha caalamka isagoona sheegay in ay ka soo qayb galayaan dhammaan Kooxihii hore u saxiixay Heshiiskii Road Mapka.

Safiirka ayaa farta ku fiiqay sida ay Guul u tahay in Soomaalida keligood la isu daayo isla markaana ka wada hadlaan wixii danahooda ah iyadoo aysan wehelinayn cid kale oo beesha caalamka ah.

Danjire Maxamed Ameeriko ayaa raja wanaagsan ka muujiyay kulanka Maalinta Berri ah ka furmaya Nayroobi isagoona sheegey in ay tahay fursad aad u wanaagsan oo lagu dhamayn karo wixii mad madow ahaa ee hore u jiray.

Ugu danbayntii ayuuna Hoosta ka xarriiqay Danjiraha Soomaalida ee magaalada Nayroobi in shirkaasi ay ka soo qayb galayaan Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha barlamanka, maamulada Pontlan, Gal Mudug iyo Ahlu Sunna Wal jamaaca.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698