Xukuumadda KMG oo shaacisay inay ka qeyb galayso Shirka London.
Soomaalinews.com 19 Jun 12, 13:15

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Cabdisamad Macalim Maxamuud ayaa manta sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka qayb galayso Shirka Maalinimada Arbacada ah lagu wado inuu ka furmo Magaalada londdon ee Carriga Ingiriiska.

Wasiirka ayaa sheegey in shirkaasi ay ka qayb galayaan Xubno uu isagu hoggaaminayo isla markaana ay si weyn ugu faraxsan yihiin in ay la fariistaan Wafdiga Maamulka Somaliland Shirkaas uga qayb galaya.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in shirkaas looga hadlayo khilaafka u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Maamulka isu Magacabay SomaliLand isagoona Raja wanaagsan ka muujiyay inuu shirkaas ku dhamaan doono.

Cabdisamad ayaa sheegey in wafdigoodu ay u diyaar garoobeen sidii ay ula kulmi lahaayeen walaalahooda kale isla markaana si sarraaxad leh looga hadli doono wixii dhibaata ah ee u dhaxeeyay labada Dhinac isagoona intaa ku daray inay filayaan gaba gabada kulanku in ay ka soo baxaan qodobo labada dhinacba ay isku af gartaan.

Hadalkan ka soo yeeray Wasiirka amniga oo isagu hoggaaminaya Wafdiga dawladda KMG Shirkaas uga qayb galaya ayaa waxaa uu si aad ah u khilaafsan yahay ama uu uga duwan yahay warkii dhawaan ka soo yeeray Wasiirka arrimaha Dibadda ee Maamulka Soomaali land.

Wasiirka arrimaha Dibadda ee Maamulka Somaliland oo Todobaadkan hadlay ayaa sheegay in ay shirka ka qayb galayaan isla markaana ay Soomaaliya kala hadli doonaan sidii au u Ictiraafi lahayd gooni isu taagga Somaliland oo ah muhimadda koowaad oo ay shirka u soo ban dhigi doonaan.

Ugu danbeyntii Wasiirka waxa uu intaa ku daray in ay jiraan sidoo kale arrimo ay kala hadli doonaan Wafdiga TFGda waa siduu hadalka u dhigaye.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698