Wararka ka imaanaya gobolada Bay, Bakool iyo Gedo ee Koonfurta wadanka Soomaaliya ayaa sheegaya in xiisado Colaadeed ay ka jiraan deegaan ka tirsan goboladaasi, kagadaal markii ay halkaasi buux dhaafiyeen ciidamo Itoobiyaan ah.
Xiisadan colaadeed ayaa lagu soo waramayaa inay saameeyeen dadka shacabka ah iyo isku socodka gaadiidka goboladaasi.
Wararka waxay intaasi ku darayaan in Ciidamada Itoobiya oo ay la wehliyaan ciidamo Soomaai ah u dhaqaaqeen Magaalooyinka Ufuroow, Diinsoor iyo Baardheere ee gobolada Bay iyo Gedo.
Deegaanadaasi Colaadaha iyo cabsida dagaal laga soo sheegayo waxaa gacanta ku haya Xarakada Alshabaab ee Koonfurta soomaaliya, waxayna dhankooda wadaan abaabul xoogana, iyadoo dadka ay cabsi muujinayaan oo ay ka baqdin qabaan dagaalo halkaasi ka dhaca.
Ugu danbeyntii ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Dhinacyada dhaqdhaqaaqyada ciidan iyo Colaadaha ka wada deegaanada gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com