Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in xalay halkaasi dagaal khasaare geystay ku dhexmaray Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada alshabaab.
Iska hor’imaadkaasi ayaa yimid kadib markii cutubyo ka tirsan Ciidamada Xarakada Alshabaab weerar xoogan ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ku leeyahay Magaaladaasi.
Magaalada Baladweyne ayaa laga maqlayay intii uu dagaalku socday madaafiicda culus iyo kuwa fudud, kaasoo cabsi galiyey dadka shacabka ah ee ku nool xaafadaha Magaaladaasi.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan oo gaaray dadka shacabka ah iyo dhinacyadii dagaalamay, waxaase la sheegay inay jiraan khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay dagaaladaasi.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka dowladda KMG Hiiraan iyo Xarakada Alshabaab oo ku aadan dagaalkaasi xalay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com