Xildhibaano ka horjeestay go’aanka Madaxweyne Shariif ku laalay qodobo ka mid ah Axdiga KMG.
Soomaalinews.com 19 Jun 12, 04:53

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka KMG Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay go’aankii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ku laalay qodobo ka mid ah Axdiga KMG Soomaaliya, islamarkaana uusan awood u lahayn marka loo eego Axdiga KMG ah.

Xildhibaan C/qaadir Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu maalmahanba ku tumanayay Sharciga u dagsan dowladda isaga oo sheegay in go’aanka Madaxweynaha uu yahay mid aan haba yaraatee soconayn.

C/qaadir Sheekh Ismaaciil oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka KMG Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha ay soo doorteen Mudanayaasha Baarlamanka, sharciga Baarlamankana uusan ka weynayn, isagoo intaasi raaciyey in Baarlamanka ay u taalo talaabada la gudboon inay ka qaadaan Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Xildhibaanka waxa uu sharci daro ku tilmaamay qorshaha Road Mapka oo uu sheegay in haba yaraatee aan la horkeenin Baarlamanka Soomaaliya, taasoo uu sheegay in Madaxweynaha loogu ogolaaday in uu digreeto ku soo saaro howlihii Baarlamanka uu qaban lahaa.

Ugu danbeyntii hadalkan ka soo baxay Mudanayaasha Baarlamanka KMG Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xili maalintii doraad Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ku laalay qaar ka mid ah Qodobada Axdi Qarameedka Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698