Shir Xasaasi ah oo Magaalada Baydhabo uga socda Saraakiisha dowladda iyo Ganacsatada Magaaladaasi.
Soomaalinews.com 18 Jun 12, 11:58

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay ayaa la sheegay in Shir xasaasi ah oo looga hadlayo arrimaha amaanka waxa uu u soconayaa Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG, Itoobiya iyo ganacsatada Magaaladaasi.

Wararka waxay sheegayaan in kullanka loo diiday saxaafada islamarkaana uu yahay mid ay albaabada u xiran yihiin, lamana oga qodobada sida gaarka ah looga hadlayo Shirkan.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in saraakiisha labadaasi dhinac iyo Ganacsatada Baydhabo shirka uga hadlayaan sidii looga hortagi lahaa dilalka iyo Qaraxyada ka dhaca Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.

Ugu danbeyntii shirkan oo aan wali ka soo bixin qodobo ayaa waxa uu ku soo beegmaya xili Magaalada Baydhabo ay ku soo badanayaan dilalka iyo Qaraxyada ka dhaca Magaaladaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698