Dowladda KMG Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa maalinta arbacada ah ee soo socota ku ballansan wadahadal ay ku yeeshaan magaalada London ee dalka Ingiriiska,, kaasoo la sheegay inay goob joogayaal ka noqonayaan dowlado dhowr ah iyo Ururka Midowga Yurub.
Kulanka oo socon doona labo maalmood ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ku saabsan mustaqbalka Soomaaliya, inkastoo Somaliland ay ku adkeysanayso inay tahay dowlad ka madax bannaan Soomaaliya inteeda kale, ayna doonayso in shirka uu noqdo mid horseed u noqda in Somaliland ay madaxbannaani taam ah hesho.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay ka doonayaan inay ixtiraam uga helaan himilada shacabka Somaliland, waxaana rajeynayanaa in shirkan oo bilow u noqdo shirar kale oo dhici doona sida uu yiri wasiirka Somaliland.
Xubnaha Somaluiland shirkaas uga qeyb galaya ayaa shalay u ambabaxay dalka Ingiriiska, halka kuwa dowladda KMG Soomaaliyana lagu wado iny iyaguna ay maanta ambabaxaan.
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa magacaabay Guddi cusub oo ugu qeybgalaya wadahadaladaas dhex maraya dowladda KMG iyo maamulka Somaliland, kuwaas oo ka kooban shanxubnood oo kala ah:-
1. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda KMG C/samad Macallin Maxamuud Sheekh Xasan oo ah Guddoomiyaha Guddida wadahadallada {Chief negotiator}.
2. Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda KMG Mr. Axmed Caydiid Ibraahim.
3. Wasiirka arrimaha dibadda dowladda KMG
4. Xildhibaan Xuseen Xasan oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya
5. Xildhibaan Maxamed Xasan Aadan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com