Chelsea oo Xalay usoo Gudubtay Finalka Koobka UEFA CHAMPIONS LEAGUE.
Soomaalinews.com 25 Apr 12, 07:16

Ciyaar aad u xiiso badneyd oo xalay ku dhex martay kooxaha Chelsea iyo Barcelona Garoonka Kamniyuu isteediyoom ayaa waxaa halkaasi si dirqi ah uga soo baxday kooxda kubadda cagta ee ka dhisan dalka ingiriiska ee Chelsea.

Kooxda Kubadda Cagta ee Chelsea ayaa burisay riyadii Kooxda Barcelona ee ahaa in markii labaad oo isku xiga Final soo istaagto kadib markii lugtii labaad ee wareega Sema Finalka ay bar bar dhac 2 2 ah kula gashay garoonkeeda Nou Camp Kooxda Barcelona.

Naadiga ka dhisan dalkaasi Spain ee Barcelona ayaa awoodeeda isugu geysay ciyaarta waxaana bilowga hore ay ku soo tala gashay wax walba oo ay ku qaadato inay guul ku soo hoyso garoonkeeda si ay Finaalaha u soo hiigsato balse taa la diidyay waxaana ay si cajiib ah uu Tababare Pep Guardiola u qamaaray kadib markii uu 5 ciyaaryahaan uu weerarka soo aadiyay halka daafacana uu saddex ku reebtay iyo goolhayaha.

Balse maxaa dhacay wax walba ciyaartu markii seeriga uu yeeray ayay is bedeleen waxaana si lama filaan ah labada kooxood uga dhaawacmay daafacyadooda birta ah sida Chelsea oo ka dhaawacmay ciyaaryahaankooda daafaca ee Cahil halka dhanka Barcelona uu ka dhaawacmay Pique.

Wax walba intaas kuma sii harinee Barcelona oo maanka ku heysay guuldaradii hore ee guriga Stamford Bridge kula soo kulantay todobaadkii hore lugta koowaad ee wareega Sema Finalka ayaa bilowday inay abuurto fursado wanaagsa markii mowjado weeraro ah ay ku qaado goolka Chelsea.

Barcelona oo dar darteeda xowli aheyd ayaa daqiiqadii 35 aad ay heshay gool uu u dhaliyay Sergio Busquets kaas oo niyad u yeelay Barcelona waxaana kadib is qabsaday sawaxan iyo qeylo goolkaas waxaa uu niyad jab deg deg ku riday Kooxda kubadda Cagta Chelsea markii labo daqiiqo kadib kaarka Cas loo taagay Kabtankooda John Terry oo ciyaarta laga saaray markii uu si ula kac ah u haraantiyay Alexis Sanches.

Isla daqiiqadii 43 aad ayaa neefi ay ku soo booday Barcelona markii kubad uu si wanaagsan ugu dhiibay Messi ciyaaryahan Iniest uu si saraaxad waxaa laakiin gool dhaliyay ciyaar yahaan Remeirs oo u ciyaara Chelsea ciyaarta qeybteeda hore waxay ku soo gaba gaboowday 2 -1 oo ay hogaanka ku heyso barka.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad oo ay socotay labo daqiiqo waxaa Barcelona ay heshay rigoore, markii xerada ganaaxa uu qalad ku galay weeraryahanka Chelsea Didier Drogba markii uu jalaafay Fabregas waxaana garsooraha reer Turki ee leylinayay ciyaarta uu u dhigay Barcelona rigoore.

Rajadaas oo aheyd mid muuqatay ayaa waxaa si lama filaan ah rigooradaas uga qasaariyay Xidigooda Lionel Messi markii uu birta kore ku dhiftay kubadii uu ku laaday goolhaye Petr Chech ee Chelsea u ciyaara.

Tababaraha KMG ee Chelsea ayaa goostay in ugu yaraan wax uu ka bedelo ciyaarta markii xaalka noqday in kubada ay ku soo koobantay goolka Chelsea waxaa uu bedelay ciyaaryahan Juan Mata oo uu ku bedelay Kalou sidoo kale Dider Drogba ayuu isna ku soo bedelay weeraryahanka ay ka jiifto Fernando Torres oo 10 kii daqiiqo ee u dambeeyay ciyaarta soo galay.

Xidigaan reer Spain Fernando Torres oo aqoon fiican u leh goolka Barcelona intii uu ka ciyaari jiray Horyaalka Spain iyo kooxdiisii hore Attletico Madrid ayaa mar kale soo xusuusiyay goolhayaha Barca inuusan ilaawin sida uu gool uga dhaliyo waxaana gool aad muhiim uga ahaa Chelsea uu inta uu qaatay la dhaafay goolhayaha kooxda Barcelona.

Si kastaba ha ahaatee Torres ayaa in mudo ahba ka jiiftay balse xalay u noqotay habeen uusan ilaabi karin markii goolka quusiyay Barca uu saxiixay isagoo abaal gud uga dhigay lacagtii faraha badneyd ee laga soo bixiyay sanadkii hore ee 50 Milyan oo Pound ciyaartuna waxay ku soo idlaatay 2-2 oo ay ku soo baxday Chelsea.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698