Gool uu xilli hore u dhaliyay Adriano ayaa ku filnaaday Barcelona taasoo 1-0 kaga badisay Sporting Gijon sidaana waxey dib ugu soo laabtay hogaanka horyaalka Spanish league .
Real Madrid oo xifaltan uu kala dhaxeeyo Barac ayaa diiday iney ka harto hogaanka sare markii Gonzalo Higuain uu u dhaliyay 3 ka mid ah 4-0 ay kaga badiyeen Espanyol, waxeyna haatan hal dhibic ka hooseysaa Barcelona iyo kooxda laga yaabanyahay ee Levante, taasoo 1-0 kaga badisay Real Betis.
Barcelona waxey leedahay haatan 14 dhibcood, waxeyna gool tirsi kaga sareysaa Levante. Malaga iyo Valencia, oo ka kala badiyay Getafe iyo Granada, ayaa waxey isku dhibco yihiin Madrid oo ay wada leeyihiin min 13 dhibcood.
Sevilla waxey leedahay 12 dhibcood markii ay gool la’aan ku kala tageen Atletico Madrid. Athletic Bilbao ayaa guushii ugu horeysay xilli ciyaareedkaan horyaalka ka heshay markii ay 2-1 ku dhaaftay Real Sociedad
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com