Dadka dagan Waqooyiga Magaalada Muqdisho in kastoo ay ku waabariisteen jawi daganaasho ah, haddana waxay mar qur ah maqleen dhawaqa madafiicda iyo hubka kale oo ay isdhaafsanayaan Ciidamada AMISOM iyo Ururka Alshabaab.
Xaafado ka mid ah degmooyinka Waqooyiga Magaalada Muqdisho oo shalay dagaaladii cuslaa ka dhaceen, waxaa saaka mar kale ku dhacayaan madaafiicda iyo hubka culus oo dhinacyadaasi isku ridayaan.
Dagaalada saaka mar kale ka bilowday waqooyiga Muqdisho waxaa qeyb ka ah Ciidamada AMISOM oo taangiyo dagaal uga qeyb qaadanayaan.
Dhanka Suuqa Bakaaraha waxaa ku soo dhacay madaafiic culus lamana oga qasaaraha ka dhashay dagaalada saaka ka bilowday waqooyiga Muqdisho iyo madaafiicda ku soo dhacday suuqa weyn Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Kala soco Soomaalinews wixii ku soo kordha dagaalada.
Halkaan Ka Daawo