Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa sheegay in ay ka xun yihiin Qasaaraha dadka shacabka ah ka soo gaara dagaalada ka dhaca goobaha dadka rayidka ah ku badan yihiin.
Indha Cadde ayaa sheegay inay soo bandhigayaan Meydad iyo Maxaabiis uu sheegay inay ka qabteen dhinacyada ka soo horjeeda oo shalay dagaalo ku dhex mareen Waqooyiga magaalada Muqdisho Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Wasiiru dowlaha Gaashaandhiga Dowladda KMG Mr. Indha Cadde ayaa sidoo kale guulo ka sheegtay dagaaladii shalay ka dhacay Waqooyiga Muqdisho oo ay ku dhinteen 25 qof oo rayid ah dad ka badan kuna dhaawacmeen 59 qof oo kale.
Ugu danbeyntii Indha Cadde ayaa eedeyn u jeediyey Idaacada Shabeele isagoona sheegay inay hagaysay dagaaladii iyo duqeymihii shalay ka dhacay Muqdisho sida uu hadalka u dhigay Mr. Indha Cadde.
Halkaan Ka Daawo