Markii shalay dagaalo iyo duqeymo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac culus oo so gaaray dad rayid ah kana dhaceen Xaafado ka tirsan degmooyinka C/casiis, Kaaraan iyo Yaaqshiid waxaa saaka ka bilowday barakac.
Dagaaladii iyo duqeymihii shalay ka dhacay xaafadaha degmooyinkaasi waxa uu u dhaxeeyey Ciidamada Dowladda KMG oo ay garbinayeen Ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab waxaana saaka ka jira daganaasho aan caga badan lahayn iyo barakac ay wadaan qaar badan oo ka mid ah dadka deegaanadaasi.
Dadka ku nool xaafadaha degmooyinkaasi ayaa sheegay inay saaka ka socdaan halkaasi barakac dadka shacabka ah ay samaynayaan, kadib markii shalay dad badan ku dhinteen Madaafiicdii iyo dagaaladii ka dahcay Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Ugu danbeyntii Degmooyinka Kaaraan iyo C/casiis oo bilihii ugu danbeysay camir mayeen ayaa saaka ah meelo haawinayaan kadib barakac badan oo ay sameeyeen dadkii ku noolaa xaafadaha degmooyinkaasi.
Halkaan Ka Daawo