Soomaalida ku dhaqan dalka Ingiriiska oo Madaxweyne shariif kulan la qaatay.
Soomaalinews.com 11 Mar 10, 05:33
SN:Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan Ballaaran xalay la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Ingiriiska iyadoo madaxweynaha uu uga war bixiyay marxaladda dalka uu ku sugan yahay iyo qorshaha dowladiisa.
Dad Soomaali ah oo ku dhow sadex kun oo ruux ayaa lagu waramay inuu la kulmay madaxweyne shariif waxaana halkaas madaxweynaha ku soo dhaweeyay fanaaniin caanka ahaa dalka oo heeso halkaas ka qaaday.
Madaxweynaha ayaa ujeediyay jaaliyada in ay ka qeyb qaataan nabada dalka Soomaaliya islamarkaana ay dowladiisa ku garab galaan howlaha horyaala waxa uu madaxweynaha ku celiyay in dhawaan dowlada ay qaadan doonto talaabo ay xoogaga ka soo horjeeda ay kaga saareyso magaalada Muqdisho iyo meelo kale.
Kulanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Ingiriiska iyo madaxweynaha ayaa layskula soo qaaday xaaladihii ugu danbeeyay ee dalka waxaana madaxweynaha uu halkaas ka balan qaaday in ay furi doonaan safaaradii Soomaaliya ay ku lahayd dalkaas.
Madaxweyne Shariif ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ingiriiska inay door weyn ku yeeshaan xasilinta dalka taageero dhinac walba lehna u fidiyaan dowladda KMG ah waxa uu jaaliyada uga waramay kulankii uu la qaatay madaxda dalka Ingiriiska.