Al-shabaab ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigeen Sarkaal, Askar iyo Hub dhanka dowladda KMG ka soo goosteen, kuna soo biireen Xarakada.
Afhayeenka Al-shabaab Mujaahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay Sarkaal lagu magacaabo Baashi Axmed Urur ku soo biiray dhankooda, kana soo goostay dhanka Dowladda KMG ee Soomaaliya, Sarkaalkasi ka mid ahaa.
Baashir Axmed urur oo la hadlay warfidiyeenada ayaa qiray inuu ka mid ahaa Saraakiisha ciidamada Dowladda KMG, ayna jiraan tiro ciidamo kale oo isaga wehliyaan iyaga iyo hubabkooda oo fara badan.
Baashi ayaa sidoo kale sheegay in uu ahaa Sarkaal horay uga mid ahaa ciidamadii hore ee Dowladdii dhexe ee Soomaaliya, muddo 5-bilood ka badana tababar ku soo qaatay Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.
Ugu danbeyn Hubka maanta Al-shabaab soo bandhigtay ayaa waxay ahaayeen 50-qoryaha fudud ee gacamaha lagu qaado, kana hadlin arrintan Saraakiisha iyo Madaxda dowladda KMG ee Soomaaliya.
Halkaan Ka Daawo