saqdii dhexe ee xalay dagaal culus oo la isku adeegsaday madaafiicda culus ee garbaha laga tuuro iyo Hoobiyayaal ayaa ka dhacay Xaafado ka mid ah Waqooyiga Magaalada Muqdisho.
Dagaalkan oo ahaa mid cabsi galiyey xalay dadka shacabka ah ee dagan xaafadaha degmooyinka Muqdisho ayaa ka dhacay Boondheere iyo xaafado kale oo ka tirsan Degmada C/casiis ee Waqooyiga Muqdisho.
Dagaalka waxa ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka shacabka ah, inta la ogyahay waxaa ku naf wayday dagaaladii xalay 2-qof, halka 7-qof oo kale soo gaareen dhaawacyo kala duwan.
Ugu danbeyntii dagaalada madaafiicda wata ee ka dhaca Muqdisho waxay qasaaraha ugu daran gaarsiiyaan dadka shacabka ah aan dagaalada galin.
Halkaan Ka Daawo