Madaxweyne Maxamad Axmed Caalim ayaa si sharci ah ku tilmaamay waqti kordhinta loo sameeyey Mudada maamulka Galmudug sii haynayo.
Mr. Caalim ayaa sidoo kale beeniyey inay jiraan xubno ka tirsan maamulka Galmudug Statea oo si cad uga horyimid xil kornta loo sameeyey Maamulkiisa, isagoona tusaale u soo qaatay shir ay garwadayn ka ahayd Dowladda KMG oo ka dhacay Muqdisho, shirkaasi kadib markii uu dib ugu soo laabtay Galmudug loo sameeyey waqti kordhin, in kastoo ay jireen xubno tiro yar oo dhaliilsanaa waqti kordhinta maamulkiisa.
Ugu danbeyn Maxamad Axmed Caalim ayaa sheegay Golaha Guurtida Tirada ugu badan in ay go’aan ku gaareen waqti korhdinta loo sameeyey maamulkiisa, kadib Codsi uu u diray Golaha Guurtida, Codsigaasi oo ahaa in waqti dheeraad ah oo wax gal ah loogu daro maamulkiisa si uu u sii amba qaado dadaalada iyo horumarinta maamulka Galmudug.
Halkaan Ka Daawo