Daawo Video:Ra'isul wasaaraha dowlada Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in uusan waxba ka qabin in Shiikh Shariif uu dalka Soomaaliya ku maamulo shereecada Islaamka. Meles Zenawi oo wareysi siinayey talefishinka bbc-da gaar ahaan barnaamijka hardtalk ayaa sheegay in arimaha Soomaaliya ay u taalo Soomaalida, isla markaasna ayan dowlada Itoobiya wax faragelin ah ku sameyneynin xaalada Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Shiikh Shariif ayuu ahaa ninkii hogaaminayey kooxaha Islaamiyiinta ah ee aan la dagaalannay, hadana isaga ayaa dowlada Madaxweyne ka ah, waana is aragnay, wuxuuna ii sheegay inuu doonayo in uu dalka ku maamulo shareecada Islaamka, waana ku taageersanahay" ayuu yiri Males Zenawi oo ka jawaabay su'aal ahayd sida uu u arko hogaanka Soomaaliya ee ay mar colaad xoog leh ka dhaxeysay.
Meles Zenawi ayaa mar kale la weydiiyey sida uu u arko dastuurka Soomaaliya oo laga dhigayo shareecada Islaamka wuxuuna sheegay in uusan Soomaaliya maamulin ee uu Itoobiya Madax ka yahay, isla markaasna ay Soomaalida u taalo sharciga ay isku maamulayaan.
Halkan Ka Daawo warkii: Meles Zenawi
soomaalinews.com
Halkaan Ka Daawo