Ciidamo loo soo tababaray dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Bihangha ee dalka Ugandha oo muddo tababar uga socday loogu soo xiray, ayadoo lagu wado in dhawaan Ciidamadaasi loo soo qaado dalka Soomaaliya.
Sida wararku sheegayaan Ciidamada ayaa la qorsheynayaa inay qeyb ka noqdaan ciidamo dowladda ay leedahay oo dowladda ku rajo weyn tahay inay ka qeyb qaataan dib u soo celinta amaanka dalka Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Fiqi oo booqday Xerada Tababarka ciidanka tababarka loogu soo xiray ayaa ku dhiirageliyey tababarka ay qaateen inay ka mira dhaliyaan islamarkaana ka shaqeeyaan sidii amaanka dalka dib loogu soo celin lahaa.
Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay inay ku rajo weyn yihiin Ciidamadan iyo kuwo kale oo hadda tababaro u socdaan inay badalaan Ciidamada AMISOM ee dagaalada kula jira Xarakada alshabaab.
Ugu danbeyntii qaar ka mid ah Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa waxa ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin tababarka ay ku qaateen dalka Ugandha oo ay ciidamo ka joogaan Soomaaliya.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH