Labo tifaftire Wargeys oo ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta looga yeeray maxkamada sare ee Soomaaliya sida uu noo xaqiijiyey Tifaftire ku xigeenka Wargeyska Xog-ogaal.
Tifaftirayaasha looyeeray ayaa kala ah Cabaas Cali oo ah tifaftiraha wargeyska Xog-Doon iyo Cabdi Aadan oo ah tifaftiraha wargeyska Xog-ogaal oo mudo dheer ka soo baxayey magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.
Tifaftirayaashan ayaa waxaa lagu heestaa sawir gacmeed (kartoon) uu qoray Amin amir, oo la sheegay in lagu soo daabacay wargaysyadaan.
Ismaaciil Cumar Madoobe oo ah Tifaftire ku xigeenka Wargeyska Xog-ogaal oo goor dhow Taleefoonka kula xiriirnay ayaa Soomaalinews.com u xaqiijiyay in ay jirto arinta ah in Tifaftirayaasha Wargeysyada Xog-ogaal iyo Xog-doon looga yeeray saaka oo Isniin ah Maxkamada sare ee Soomaaliya kadib markii waraaqo kaga timid Maxkamada sare la soo gaarsiiyey Sabtidii la soo dhaafay.
Ugu danbeyntii arrintaan ayaa waxay ku soo adaysaa xili uu wali xiran yahay wariye C/casiis C/nuur Koronto oo ka mid ahaa suxufiyiinta Radio Dalsan oo ka howlgala Caasimada Magaalada Muqdisho.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH