Wednesday, April 16th, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Shacabka Reer Djibouti oo Saakay u kalahay Goobaha Codeynta.

Published on February 22, 2013 by   ·   No Comments

GeelleWaxaa Dalka Djibouti maanta ka bilowday Codeynta Masuuliyiinta Shacabka Reer Jabouti u matali doona Baarlamaanka Dalkaasi, Doorashooyin Baarlamaanka ayaa waxaa ku tartamaayo Xizbiyo Tiradooda lagu sheegay 3-Xisbi kuwaasi oo isugu jira Mucaarad iyo muxaafid.

Xizbiga talada Dalka Haaya ayaa Cambaareyn dusha uga Tuuray Xizbiyada Mucaaradka Dalkaasi oo lagu Eedeeyay in ay laa luush ku bixiyaan sidii ay ku heli lahaayen Codka ugu badan ee lagu soo fuulayo Kuraasta Baarlamaanka iyo Madaxtinimadda Dalka, waxaana arintaasi ka digay Madaxweynaha Dalkaasi Djibouti Ismail Omar Geele.

Aroor nimadii maanta waxaa al-baabada loo furay Goobaha lagu Codeynaayo waxaana si aad loo adkeeyay amaanka Goobaha lagu cod bixinaayo iyada oo ay Goob-joog ka yihiin qaabka loo cedeynaayo Masuuliyiin ka kala socda Dowladaha saaxiibada la’ah Djibouti.

Si kastaba ha ahaatee waxaa Goobaha cod bixinta lagu arkaaya Masuuliyiin ka socda Xizbiyada loo lamaaya kuwaasi oo kas banaaya Shacabka Codeynaaya waxaana loo badinaaya in Kuraasta loo lar-tamaayo ay buuxin doonaan Masuuliyiinta Xisbiga Talada dalka haaya oo iyagu kasbaday dadka Reer Jibouti

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind