Waa mid ka mid ah erayada ugu badan ee aad ka maqleysid qaar ka mid ah dadka Reer Muqdisho marka aad joogtaa goobaha bulshada ama aad saaran tahay gaadiidka dad weynaha.
Dalabka dadkan ayaa waxaa loo aaneynayaa ka dib markii uu yaraaday Sarifkii lacagaha ee doolarka, taasina waxa ay sabab u noqotay in uu iscuno Biilkii qoysaska ay heli jireen.
Tusaale qoyskii qaadan jiray $200 Doollar kuma filna Biilkaasi oo haatan waxa ay u baahan yihiin ugu yaraan $300 Doollar maxaa yeelay halkii doolar waa 17-kun oo Shilinka Soomaaliga ah adigu isku dhufo lacagahaasi waad dareemi kartaa inta ka luntay.
Baaqa ayaa waxaa loo jeedinayaa dadka dibadaha jira in ay soo kordhiyaan lacagta Biilka inta uu doollarka ka xasilayo si loo kaabo nolosha dhibka badan ee raad raaca Sicirka noqotay.
Raashiinka ayaa waxa wali la iibinaya qiimihiisii hore taasi oo ka dhigeysa in qofka shakhsiga ah uu kordhio lacagta, waxaana ay keentay in qaabkii markii hore loo maareyn jiray in hadda aan loo maareyn Karin.
Qoysaska qaar ayaa ku jahwareersan sida ay biilka u sal dhigi lahaayeen maadaama ay aad u yartahay lacagaha loo soo diro mida loo baahan yahay, waxaana ay keentay in la is dhibsaday dadka dibada jooga iyo kuwa Muqdisho.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH
ogaadeenku waa cadowga somaliyeed dowladii siyaad bar ayagaa shacabkii somaliyeed ku diray una shaqeeyay cadowgii laga bad baadinaayay ee ogaadeenka hala qixiyo oo dib itopia haloogu celiyo