Saturday, April 19th, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Qabanqaabada Munaasabada 1-da Luulyo oo Beyer Munich ka socota iyo Fanaaniin uu ka mid yahay Cabdi Baadil oo lagu Casuumay…

Published on June 13, 2013 by   ·   No Comments

kowda lulyoMagaalada Beyer Munich ee dalka Jarmalka waxaa kaa socda abaabul aad u xoogaan oo aan noociisa horay loo arag kaasoo loogu diyaar garoobayo Munaasabada 1-da Luulyo.

Waxaa ka socda Magaalada Beyer Munich Abaabulka Bulshada Soomalida ah ay ugu diyaar garoobayaan Munaasabada qiimaha leh ee Maalinkii Xornimada gobolada Koonfureed iyo waliba midowgii labada gobol.

Qurba joogta Soomaalida Magaalada Beyer Munich ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku howlanaa soo iibsiga Calanka Soomaaliya iyadoo goobta lagu qabanayo Munaasabadani xiligan ay ka socoto dib u ahayn si  ay u noqoto mid Taariikhi ah.

Munaasabadan waxaa qaban qaabinaya Jaaliyada Soomaalida dalka Jarmalka waana xaflad heerkeedu sareeyo kaasoo ku aadan munaasabada 1-da Luulyo taas oo ay ka qeyb gali doonaan Fanaaniin ay ka mid yihiin Cabdi  Baadil, Saciido Alfanaan, Fanaaniin kale iyo mas’uuliyiin aad u fara badan.

Sida uu sheegay Maxamed Cali Munaasabadan waxay dhici doontaa 5-ta Bisha Luulyo 2013 hase yeeshee Guddiga qaban qaabada oo ay xubno ka yihiin Samiir (Shiino) iyo C/risaaq ay ku howlan yihiin u diyaar garowga Munaasabadaasi.

Ugu danbeyntii Maalinta 1-da Luulyo waa maalin ku weyn Ummadda Soomaaliyeed waana Maalinta Xornimada Dalka islamarkaana midowgii gobolada Koonfureed iyo Waqooyi.

Naga Filo Munaasabadan qaabka ay u dhacdo haddii uu alle Idmo.

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind