Friday, April 18th, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Prof: Gaandi oo Madaxweynihii hore Soomaaliya ku eedeeyey inuu caqabad ku ahaa maamul u samaynta gobolada Jubooyinka.

Published on January 3, 2013 by   ·   3 Comments

gaandi iyo shariifGuddoomiyaha maamulka la baxay Azaniya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo mar asoo noqday wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladdii hore ee KMG aheyd inay hortaagneyd dhismaha maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka, wuxuuna intaasi ku daray xilli uu u waramayey teleefishinka Somsat in Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee uu hogaaminayey Sheekh Shariif Sheekh Axmed laga dhaadhiciyey in qabiil gaar ah uu wato mashruuca maamul u sameynta Jubbooyinka.

“Dedaal badan oo la sameeyay waa uu socon waayey, nasiib darro waxaa ugu weynaa caqabadii markaas nagaga imaaneysay Madaxweyne Sheekh Shariif oo dad ay ka soo dhaadhiciyeen in beel gaar ahi ay wadato maamul u sameynta Jubbooyinka” ayuu yiri Gaandi oo intaas ku daray in Sheekh Shariif sanadkii 2011-kii uu aqbalay qorshaha maamul u sameynta Jubbooyinka, laakiin markii dambe uu ka horyimid.

“16-kii November shir ka dhacay Kampala ayuu Sheekh Shariif si cad ugu sheegay Madaxweynaha Yugandha Museveni in dowladdii KMG aheyd aysan raali ka aheyn maamul u sameynta Jubbooyinka oo laga waday Nairobi, arrinta ugu weyna waxay aheyd waxaa waxaan oo dhan loo ekaysiinayey inaanu annaga qabiil ahaan {Ogaadeen} aan si gaar ah isu xijineyno gobolada Jubbooyinka iyo Gedo” ayuu yiri Prof. Gaandi.

Sidoo kale Prof. Gaandi ayaa mar la weydiiyey khilaafka u dhaxeeya urur goboleedka IGAD iyo dowladda federaalka ee uu uu Madaxweyne ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud ee ku saabsan qaabka maamulka u sameynta gobolada Jubbooyinka ayaa wuxuu sheegay in taasi ay ka dhalatay dalab ka yimid IGAD oo ahaa in heshiiskii 2005-tii dhexmaray IGAD iyo dowladdii C/laahi Yuusuf oo ahaa “in IGAD mas’uul ka noqoto xasillinta iyo maamul u sameynta goboladaasi, wuxuuna yiri sidoo kale “Xaqiiqdii waxayarrintaasi ka dhalatay mas’uuliyad gudasho la’aan dowladda Soomaaliyeed ka timid oo markii dowladdu ay ka soo bixiweysay waajibaadkeeda in la yiri IGAD maamul ha u sameyso”.

Ugu dambeyntiii Prof. Gaandi ayaa dhibaatada iyo khilaafaadka ka jira gobolada Jubbooyinka dusha u saaray beelaha dega oo uu sheegay inaysan weligood wax ku heshiin, isla markaasna ay iska hor iman jireen dhexdooda, wuxuuna tusaale u soo qaatey maamulkii uu isaga Madaxweyne goboleedka ka noqday ee Asaaniya inay ka hor yimaadeen qabiilada Jubbooyinka, wuxuuna yiri “Waxaa soo baxay oo iyaguna oo jiray illaa afar kooxood oo kale oo hubeysan kuwaas oo kala ah Ahlu sunna koox wadatay magaceeda, koox kale oo la baxday Raskambooni, koox la baxday Harti Group iyo annagoo aheyn Azaniya, markaas waxay noqotay in afartaasi dib la isugu keeno oo iyaga la mideeyo, dhibaatada goboladaas ka jirta weligeedba waxay aheyd mid qabiilada dhexdooda ka imaaneysay, haba ugu darnaadeen reerka Daaroodka la yiraahdo”.

 

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (3)

  1. joma says:

    riyadu xumaa dalkii oo hagaagay ayey ogaadeen iyo afar laan gaab ah rabaan dhulkii barwaaqada badnaa ee qaxootinimada loo keenay 1974 kii in ey ku qabsadaan dadkii lahaa ee irirsamaalekkkkkkkkdawlada raaca qaxootiyahow qaawan

  2. sheeqa says:

    war nin kan qey li naayo ma wuxuu rabaa in uu keenya ku qabsado soomaaliya walee dameer rarkama daalo hadii lagusoo raray ethopia hadii lagu soo raray kenya hadana ma wuxuu rabaa in lagu rarto somaliya walee rerkaas way uga dartaa xornimo lakiin waxan ku lee yahay somali somala iska leh

  3. ahmed omar says:

    fadlan, saxibayaal tarikhda soo barta. qabilka aad sheegeysaa waa somalia dhab-ah oo la’antiis ma edinjirten.waa qabilka aad meel walbaba aad jogtaa martida u tehiin ee ka xishooda.




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind