Monday, April 21st, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Obama oo xaqiijiyey in Ciidamo Mareykan ah ka qeyb qaateen howlgalkii fashilmay ee Buulo Mareer.

Published on January 14, 2013 by   ·   No Comments

obamaMadaxweynaha Dalka Mareykanka oo Warqad u qoray Labada Gole ee Dalkaasi ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka qeyb qaateen Howlgalkii fashilmay ee ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan Degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Obama ayaa sheegay in si Toos ah ugu lug lahaayeen Howlgalkaasi ka dhacay Buulo Mareer, wuxuuna sheegay in ciidamada Mareykanka ay farsamada ka caawiyen ciidamada Faransiiska.

Warqada uu Mr Obama u qoray Labada Gole ee Mareykanka ayaa shaacday, waxaana uu sheegay in Mareykanka ay Diyaarad dagaal kaga qeyb qaateen Howlgalkaasi, si ay uga taageeraan dhanka hawada hadii loo baahdo, balse wuxuu xusay inaan loo baahan.

” Diyaarad Dagaal oo uu Mareykanku leeyahay ayaa si kooban u gashay gudaha Soomaaliya, si ay u taageerto howlgalka lagu soo furanayay la heystaha u dhashay Faransiiska ” ayuu yiri Obama.

Ciidamada Faransiiska iyo kuwa ka tirsan Mareykanka ayaa ku fashilmay Habeenki jimcaha inay soo furtaan la heyste u dhashay Faransiiska, waxaana ciidamada Faransiiska looga dilay howlgalkaasi Labo Askari.

Dowlada Faransiiska ayaa shaacisay inuu dhintay la heystihii ay damacsanaayeen inay furtaan, balse xarakada Alshabaab ayaa sheegtay in wali ay gacanta ku hayaan Ninkaasi Faransiiska ah, dhawaana ay soo bandhigi doonaan.

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind