Suldaan Cabdi Cali Sokor oo si weyn looga yaqaano Soomaaliya muddo dhowr sana ahna soo hayay Xilka Suldaaninimada Dhulka Waamo ayaa la filayaa in Maanta meeydkiisa lagu Aaso Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.
Wararka ayaa waxa ay intaa ku darayaan in meeydka marxuumka la soo gaarsiiyay Magaalada iyadoo aaskiisana ay ka qayb galayaan mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo iminkaba ku diyaarsan Magaalada kismaayo.
Mas’uuliyiinta dawladda Federaalka Soomaaliya ee Aaska marxuumka ka qayb galaysa ayaa waxaa ka mid ah wasiirka Wasaaradda war faafinta , wasiirka wasaaradda wax Barashada iyo waliba Agaasimaha Wasaaradda war faafinta.
Guud ahaan Magaalada kismaayo ayaa saaka si weyn looga dareemaya u diyaar garowga Aaska sulddaanka oo si weyn looga diyaar garoobay Aaskiisa.
Sulddaanka oo muddo dheer xilkaas soo hayay ayaa Taariikh Nololeedkiisa waxaa ka hadlay rag fara badan oo la soo shaqeeyay waayihiisa iyagoona sheegay waxyaabaha lagu xasuusto Sulddaanka in ay ka mid ahaayeen ka waabasho la’aanta Runta Kaftanka iyo Wadaniyad Jacaylka.
Suldaan cabdi Cali Sokor ayaa muddooyinkii danbe waxa uu ku Xanuunsanaa magaalada Nayroobi halkaasoo markii danbana uu ku Geeryooday iyadoona la filayo in isla manta lagu Aaso Gobolka Jubada Hoose.
Suldaanka ayaa waxa uu xukunka ka dhaxlay Walaakiis kaasoo isaguna ka sii dhaxlay Aabihiis, waxaana qaybaha war baahinta soo gaaraya Dhambaalo Tacsiyeen ah oo kala imaanaya qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH
Inalilaahi wa Inaaa ilaa hi rajicoon
Ilaahay naxariistii jano ah siiyo Ihilkii iyoqaraabadiina samir iyo iman haka siiyo, Ilaahay isgana jano fardoowsa haka waraabiyo