Saturday, April 19th, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Midowga Afrika oo sheegtay in Al-shabaab ay u guureen deegaanada Somaliland iyo Puntland.

Published on February 3, 2013 by   ·   No Comments

MidowgUrurka Midowga Afrika ayaa sheegay in Xarakada Al-shabaab ay gabaad ka dhigayaan dhulka maamulada Somaliland iyo Puntland, ka dib markii sida ay yiraahdeen looga awood roonaaday dagaaladii ka dhacay Koofurta Soomaaliya.

Ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mahamet Annadiff Saleh ayaa sheegay inay hayaan xog ku aadan in xubno sarsare oo ka tirsan Al-shabaab ay tageen meelo ka mid ah deegaanada Somaliland iyo Puntland si ay ugu dhuumaaleystaan, wuxuuna yiri isagoo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaa jira qaar shacabka ku milmay iyo kuwo u cararay dhulalka ay ka jiraan maamul goboleedyada, waxay isku dayayaan inay weeraro dhuumaaleysi ka qaadaan”.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland ayaa sheegay inay ka war hayaan in xubno ka tirsan Al-shabaab ay soo galeen bariga gobolka Sanaag, isagoo ku hanjabay inay ka hortagi doonaan, wuxuuna sheegay inay si weyn ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ay sameynayaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab.

Dhana kale sirdoonada reer galbeedka ayaa sheegaya inay suuragaltahay in Al-shabaab ay ku dhuumaaleystaan sida ay yiraahdeen buuraleyda u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland, halka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay aaminsanyihiin in Al-shabaab ay ku jebiyeen dagaaladii ay la galeen.

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind