Wararka naga soo gaaraya deegaanka Calamada duleedka Magaalada Muqdisho mid ka mid ah Kolonyo gaadiid ka tirsan Ciidamada AMISOM sarkaal ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku dilay deegaankaasi, kagadaal markii uu jiiray gaari ay wateen.
Sarkaal lagu magacaabo Col: Hilowle Ciise Hagareey kana mid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda ayaa sheegay in kolonyo ka tirsan gaadiidka Ciidamada AMISOM oo ka yimid dhanka Sh/hoose kuna sii jeeday Muqdisho Deegaanka Calamada ku jiireen Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya kaasoo la oran jiray C/salaam Sheekh Maxamuud Hilowle (Baraxoow).
Ilaa iyo hadda shilka gaari lagu dilay Sarkaalkaasi kama hadlin Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH
Ar amuu ahaa qoladii dowlada kasoo horjeedey, qaar ayaa isku qariya dharka ciidamada si ay wax u kharibaan ee ha layska ilaaliyo xitaa kuwa dharka ramsiga sita meesha aamin majiree.