Wednesday, April 23rd, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Maxamed Cismaan Caruus oo la la’yahay meel uu jaan iyo Cirib dhigay.

Published on June 30, 2013 by   ·   No Comments

Afhayeenkii hore dhanka howlgalada ururkii Burburay ee Xizbul Islaam Maxamed Cismaan Caruus kana mid ahaa Saraakiishii habeenkii xalay ahaa Xasan Daahir Aweys la soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la la’yahay iyadoo aan la ogayn halka uu Jaan iyo cirib dhigay.

Sida warku sheegayo xili habeenimadii xalay Ciidamada Hay’ada Nabad sugida dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa wajiyada duuban ee loo yaqaan Alpha Group ay ku mashquulsanaayeen qabashada Xasan Daahir Aweys la tilmaamay inuu ka baxsaday Maxamed Cismaan Caruus Garoonka Diyuuradaha ee Magaalada Muqdisho.

Qeybaha kala duwan Ciidamada Nabad sugida ayaa si aad ah maanta ugu howlan baadi goob ay ugu jiraan Mr. Caruus oo ka mid ahaa raggii xalay la soo gaaray Xasan Daahir Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Caruus uu ahaa Shaqsiyaadka sida aadka ah ugu kalsoon yahay Xasan Daahir Aweys waxa uuna ka mid ahaa Xiligii Ururkii burburay ee Xisbul Islaam uu ahaa Saraakiisha dhanka Howlgalka, dhanka Gaashaandhiga iyo waliba Afhayeenkii ururkaasi oo xili qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya ka arrimin jiray.

Ugu danbeyntii lama oga halka uu jaan iyo cirib dhigay Afhayeenkii hore ururkii Xisbul Islaam Maxamed Cismaan Caruus ciidamada ayaa ah kuwo si aad ah ugu howlan baadi goobka sarkaalkaasi.

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind