Friday, April 18th, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qurba joogta baaq u diray.

Published on February 3, 2013 by   ·   No Comments

Somalia-President-MN-346x250Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay jaaliyada Soomaalida ku nool dalka Ingiriiska ayaa ugu baaqay inay dib ugu soo laabtaan dalkooda kana qeyb qaataan dib u dhiska wadanka ka socda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadalkan ka sheegay qudbad uu u jeediyey Qurba joogta Soomaalida dalka Ingiriiska ka dib booqasho uu halkaasi ku joogo labadii maalin ee la soo dhaafay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dheeraaday ka hadlida faa’iidada ay leedahay in maalgashi lagu samaysto dalka Soomaaliya islamarkaana xiligan qurba joogta ka qeyb qaataan dib u dhiska Soomaaliya.

Sidoo kale madaxweynaha waxa uu shaaca ka qaaday in dalka Soomaaliya xiligan uu ka baxayo dhibaato fara badan loona baahan yahay in laga faa’iideyso fursadaha.

“Soomaaliya waxay samaynaysaa fursado isku dayo ah oo Caalamka lagula tacaamuloonayo, Qurba joogta Ingiriiska ku nool waa inay dalkooda dib ugu laabtaan kana qeyb qaataan dib u dhiska Caalamiga ah ee wadanka ka socda” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu danbeyntii marka laga soo tago hadalka Madaxweynaha waxaa shaki ku jirin in Caasimada Soomaaliya Muqdisho xiligan uu ka jiro is badal islamarkaana dib u dhis caan caadi ahayn uu ka socdo.

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind