Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagoo ku sugan Magaalada Khartuum ee Dalka Suudaan mar kale Cafis u fidiyey dhalinyarada ka tirsan Dagaalyahanada Xarakada Alshabaab.
Xasan Sheekh Maxamuud oo kullan la qaatay Ardeyda Jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Suudaan ayaa waxa uu sheegay in wixii ka dambeeya maanta Cafis yihiin dhalinyarada ka dhinac dagaalanta Xarakada Alshabaab sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Madaxweynaha waxa uu sheegay in shaqooyin muhim ah loo samayn doono dhalinyarada Soomaaliyeed si lagu helo nabad iyo xasilooni ka dhalata dalka Soomaaliya.
Ugu danbeyntii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Khartuum ayaa halkaasi u tagay sidii uga qeyb lahaa Sanad guuradii 57-aad ee kasoo wareegtay markii dalkaasi uu xoriyada helay.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH