Saturday, April 19th, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Maamulka Magalaada Marka oo ka hadlay Amaanka magaaladaasi.

Published on February 3, 2013 by   ·   No Comments

Magaalada_marka_xogsheegGuddoomiye ku xigeenka Dhanka Arrimaha Bulshada Magaalad Marka ahna ku simaha Guddoomiyaha Magaaladaasi C/laahi Muuse oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay inay Amaanka magaalada uu yahay mid wanaagsan islamarkaana aysan jirin dhibaatooyin ka taagan xiligan gudaha Magaaladaasi.

C/laahi Muuse ayaa tilmaamay in xiliyada qaarkood ay dhacaan falal ka dhan ah Amaanka Magaalada Marka, hase yeeshee hadda magaalada ay joogaan Ciidamo Boolis ah oo howlgalo joogta ah ka sameeya Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Sh/hoose.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada Magaalada Marka ayaa intaasi ku daray hadalkiisa Ciidamada Booliska la geeyey magaaladaasi inay xiliga habeenkii ah iyo maalintii sameeyaan howlgalo roondo ah oo lagu xaqiijinayo Amaanka.

Ugu danbeyntii hadalka Guddoomiye ku xigeenka ayaa imaanaya xili dhawaan uu booqday Magaalada Marka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo qaar ka tirsan golaha Wasiirada.

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind