Wanlaweyn (soomaalinews.com) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed kasoo cusboonaaday duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa ka dhacay deegaano hoostaga degmada Wanlaweyn, waxaana labada dhinac ay isku weydaarsadeen labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof oo isugu jiro labada dhinac, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkan uu salka ku hayo muran dhuleed soo jiitamayey lixdii sano ee lasoo dhaafay, kaas oo hadda sababay inay dagaalamaan labada dhinac.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta degmada iyo maamulka gobolka oo ku aadan dagaalkaasi u dhexeeyo beelahaaasi walaalaha ah.

Sidoo kale ma jiro cid kala dhex gashay labada dhinac, taas oo uga sii dareysa xiisadda colaadeed ee ka jirta duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli is horfadhiya maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamay halkaasi.

Wanlaweyn ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo laa laabanayay weerarada hubeysan iyo dagaal beeleedyada, kuwaas oo uu khasaaraha u badan kasoo gaaro rayidka.





Source link