Wednesday, April 16th, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Maamulka Galmudug oo faahfaahin ka bixiyay dagaal beeleed ka dhacay Gelinsoor.

Published on January 14, 2013 by   ·   No Comments

dagaaMaamulka Galmudug State ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal beeleed maalintii shalay ka dhacay deegaano ka tirsan gobolkaasi kaasoo dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed.

Wasiirka Qeyraadka Galmudug ahna Guddoomiyaha guddiga dhexdhexaadinta beelaha ku dagaalamay Degmada Gelinsoor C/qaadir Maxamed Cali Qalabxoor ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ka dhashay qasaare fara badan.

C/qaadir Maxamed Cali Qalabxoor waxa uu sheegay in hadda ay ku guda jiraan dhexdhexaadin ku aadan beelahaasi dagaalamay isagoo intaasi ku daray in meel wanaagsan ay u marayaan howlaha xalinta dagaal beeleedkaasi.

Beelo walaalo ah oo xoola dhaqato ah oo isku qabtay dhul daaqsin ah iyo dhulbeereed ayaa maalintii shalay deegaano hoosyimaada degmada Gelinsoor ee gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Guddiga Dhexdhexaadinta Beelaha ku dagaalamay Gelinsoor ayaa ugu baaqay inaysan dib u soo celin dagaalkaasi ayna eegaan walaaltinimada iyo wanaaga ay ku wada degan yihiin.

Ugu danbeyntii inta badan gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya waxaa ku dagaalama dad Xoola dhaqato iyo Beeraley ah kuwaaasoo isku qabta arrimo la xiriira dhul daaqsin ah iyo Ceelbiyood.

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind