 |
CASHO SHARAF SOO DHAWEYN AH OO WAQOOYIYA LONDON LOOGU SAMEEYEY
ORODYAHANKII SOOMAALIYEED EECAANKA AHAA HADDANA AH TABABARE CAALAMI AH
DHANKA ORODADA MUDANE JAAMAC MAXAMUD ADAN JAAMAC (KARAACIIN) SIDEEDII
OKTOOBAR 2008
Waxaa habeenkii arbacda oo ay bisha oktoober aheyd sideed casho sharaf
soo dhawayn ah loogu qabtay magaalada london oroyahankii somaaliyeed ee
qaranka haddana ah tababaraha koowaad ee dunida dhanka orodada mudane
JAAMAC MOHAMOUD ADEN JAAMAC (KARAACIIN0).
Casha sharftaan oo ay ka soo qayb galeen cayaartooy iyo madax isports oo
aad ufara badan ayaa waxa kale oo kasoo qayb galay orod yahano kale oo
ajnabi ah kuwaas oo jaamac kawada shaqayn jireen xagga hurumainta
cayaahaha fudud gaar ahaan orodada.
Waxaa munaasabadda cashada erayo yar oo kooban oo tusaale iyo guubaabo
dhinaca sportiga iyo hurumarintiisa ah kusaabsan ku furay XOGHAYAHA GUUD
EE SOMALI DIASPORA CULTURE AND SPORTS ASSOCIATION MUDANE MOHAMED MOALIN.
Kadib xoghayaha waxaa khudbad dheer oo qiima badan oo ku saabsan
hurumarimta uu ubaahan yahay sportiga soomaaliyee usoo jeediyey bulsha
wayntii sportiga ee kulanka timid PRESIDENT OF SOAMLI DIASPORA CULTURE
AND SPORTS ASSOCIATION MUDANE AHMED ABDI DAHIR (shell)
Casha sharftaan oo si aad ah loo soo abaabulay ayaa waxaa soo qaban
qaabiyey ururka qurba joogta dhaqanka iyo sportiga oo layirahdo SOMALI
DIASPORA CULTURE AND SPORTS ASSOCIATION, oo saldhigiisu ku yaalo
magaalada LONDON. Ururkaan oo ah ururka qaban qaabiya cayaaraha quraba
joogta soomaaliyed kaasoo ay lacayaaraan wadmada ay soomaaliya isku
dhowyihiin sida DJIBOUTI oo sanad walbana la sameeyaan cayaaro
saaxiibtinimo.
Waxaa kulankaas oo lagu soo qaatay taariikh nololeedkii MUDANE LEGENG
JAMA MOHAMOUD ADEN (KARAAIIN) taa soo si hufan ookooban taariikhdiisii
looga sheekeeyey .
Waxaa kaloo looga hadlay kulanka casha sharafta waxa qabadkii JAAMAC
karaaciin iyo heerka uu manta JAMAC aduunka ka taagan yahay loona baahan
yahay in qofkasta oo cayaara ama cayaaraha waxa ka yaqaanaa uu
kutalaabsado horumarka uu jaamac gaarsiiya cayaaraha orodada.
Orod yahanadda Becky Lyne waxay ka hadashay sidii ay isku barteen jaamac
oo ahayd wax qabadkiisa dheeraad ka ah daacadnimadiisna ayna iku dayday
inay gaarsiiso alaabaad sports iyadoon garanayn jaamac ayna iis arkeen
mudo kadib ayna si fiican isu barteen hadana ay diyaar utahay inay
jaanac lasii shaqayso intii awoodeeda ah
Waxaa kaloo ka hadalay munaasabada qaaliga ahayd ee jaamac lagu soo
dhawaynayey LEGEND XAAWA TAAKO EX BASKETBALL PLAYER sheegtayna in loo
baa han yahay in gacmha laysqabsado si loogaaro horumar dhan walba ah
gaar ahaan dhinaca sportiga laysuna tanaasulo oo laga wada shaqeyo sidii
sportiga soomaaliya sare loogu qaadi lahaa taasina ay tahay masuuliyad
nawada saran dhamaanteen
Waxaa sidoo kale ka hadlay cabulqaadir isoomareey oo sheegay in sportiga
laga wada qayb galo uusana qofna qof ka xigin masuuliyadiisuna ay nawada
saarantahay midka dibada jooga iyo mika gudaha jooga
Ambasador caalim ayaa isna sidoo kale in diyaar loo noqdo sidii looga
qayb qaadan lahaa cayaaraha soo socda ee carabta afrika iyo kuwa
OLYMPICADA 20012
Ujeedada kulanka ayaa ahyd sidii horumar lataaban karo loogaarsiin lahaa
cayaaraha fudud ee soomaaliya, jaamac iyo asxaabtiisii iyo madaxdii iyo
cayaartoydii hore ee kasoo qayb galay kulankaa waxay ku wada ballameen
inay guntiga u xirtaan in laga wada sjaqeeyo sidii cayaarah soomaaliyeed
ugaarilahaayeen heer caalami ulana tartami lahaayeen adduunka
intiisakale loona soo hooyo soomaaliya bilado badan cayaaraha dunida ee
soo socda heerkay doonaanba ha ahaadeene.
Waxaa jaamac ku weheliyey cashada orod yanaho kale oo ay kamid ahaayeen:
1. BECKY LYNE oo ah BRITISH 800M European Chanpion
2. ABDIRIZAK DIRSHE SOMALI SWIDHESH 800M European Chanpion
3. IBRAHIM MOHAMUD ADEN SOMALI USA 1500M USA Chanpion
4. MUSATAFA YARE SAMALI BRITISH TABABARE dhanka oroka SHEFIELD UK
5. PHLIP TULPA BRITISH TABABARE ATLETICS ORODKA
Madaxda kasoo qayb gashay casho shafta jaamac waxaa kamid ahaa
1. Ahmed Abdi Dahir (shell) President of Somali Diaspora Culture and
Sports Association.
2. Abuqaadir Isoomarey
3. Ambassador Caalim
Cayaartoydii hore ee kasoo qaybgashay waxaa kamid ahaa
1- Ahmed Nur Xashi SAYGA RUUSHKA
2- Osman Xuseen Xaaji SHIIS
2- Abdullahi Xaji Ereg (XAAJI)
3- Hassan Maxamed Farax Macallin jonh
4- Maxamed Cali BAAFO
5- ENG Baana
7- Maxmed Shiikh
8- Bashiir GURAY
9- Bashiir cabdi Daahir
10- Cabdiqani Cabdullaahi CABIQANI JEENYO
11- Xaawa Shiikh Ahmed XAAWA TAAKO
12- Miski Cumar Cusmaan
13-Luul Aaden Shide
14- Shukri Dhalbaas
15-Zamzam Xaaji Geele
16-Safiya M Guudaal AASAFIYA NEERO
17- Safiya ILKACASE
18-Dahaba xasan Adan
Iyo cayaartooy kale oo aad u fara badan oo aan halkaan lagu soo koobi
Karin.
|
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
 |
TAARIIKHDA NOLOLEEDKA JAMAC ADEN (JAMAC
KRACIIN) OROD YAHANKA SOOMAALIYEED EE CAANKA AH
Jaamca Mohamud Adan (karaaciin) wuxuu dhashay 1959kii wuxuuna ku dhashay
magaalada CAYNABO ee gobalka TOGDHEER ee dalka soomaaliya
Wuxuu hadda ku noolyahay magaalada shifield ee dalkan ingiriiska
Jaamac wuxuu waxbarashada assaasiga kuu bartay somaaliya illaa dugsiga
sare
Wuxuuna kabaxay dugsiga sare ee GENERAL DAAUUD.
Dadaalkiisa dheeraadka ah dartiis dhica sportiga wuxaa sponser siiyey
jaamacado kuyaala dalka maraykanka halkaas uu sii horumariyey orodkiisii.
Sidoo kale JAAMAC wuxuu waxbashada ka gaaray heer jaamacadeed oo ah (MA
PHSYIOLAGY) eejaamacadda GEORGE MASON VA USA BS TANA (FAIRLIGH DECKENSON
NJ)..
Jaamac wuuxuu ahaa cayaar yahan ka tirsan naadiga ENJI ee wakaalada
ganacsiga una orday naadigaas wuxuuna usoo hooyey billaddo fara badan oo
isugu jira DAHAB QALIN IYO MAAR wuxuu biladahaan billado lamid ah usoo
hooyey qaranka soomaaliyeed kuwaas oo ah kuwa aan mar walba ku faano.
Jaamac wuxaa loodoortay inuu kamid noqdo xulka qaranka soomaaliyeed
sannadkii 1977dii.
Jaamac sidoo kale wuxuu bilado qaaliya usoo hooyey qaaradda afrika
tartamada qaaradaha taa soo soomaaliya unoqotay mid ay magac iyo sharaf
ku yeeshaan sportiga caalamiga ah.
Jaamac wuxuu ahaa kabtanka kooxda Africa sannadkii 1982dii
Jaamac wuxuu intii uu cayaaraha orodada ku jiray uu gacan qabtay
cayaartooy fara badan oo heer fiicana ka gaaray dhinaca orodada.oo
caalami ah.
Cayaartoyda uu jaamac u horseeday inay mustaqbal ku yeeshaan sportiga
adduunka waxaa kamid ah:
CABDI BLIE CABDI, IBRAHIM COKAASHA, AXMED IMACIIL(nadalo) CALI HUFANE,
CALI CABDI (BAY), IBRAHIM MAXAMUUD ADAN, IYO JAAMAC BILE oo uu isagu
tababare u noqday.
1994-2001kii jaamac wuxuu joogay dalka SACUUDI CARABIYA oo uu ka ahaa
macalin dhinaca orodka ah wuxuuna usoosaaray halyeeyo fara badan, iyagoo
isaga ka hor ahaa dunida kuwa ugu hooseeya ayey haddana waxay dunida ka
galeen nambarka
sadexaad taas oo uu jaamac gaar siiyey kaasna wuxuu ahaa orod yahanka la
yiraahdo SA’AD AL ASMARI.
Sucuudiga kadib jaamac wuxuu u wareegay dalka SUUDAAN 2002 oo uu macalin
ka noqday wuxuuna u soo saaray orod yahanno ay ku faanaan noqdayna kuwa
caan ka noqday dunida, tusaale ahaan wxay mudadii uu jaamac tababarayey
ay soo hooyeen 4 biladood oo dahab ah 2 silver ah iyo 2 maar ah oo heer
caalami ah.
Laakiin tan lama ilaawaanka ah waxay tahay in JAAMAC billadaha uu qaaday
inta uu suudaan joogay ay gaareen 780 biladood oo ay qaadeen kaliya orod
yahanadii uu tababaray kana soo qaadee Afrika Aasiya iyo Carabta iyo
suudan gudeheeda.
Sannadkan 2008ka wuxuu jaamac suudaan usoo saaray orod yahanka ugu adag
800m ee dunida ABUUKER KAKI oo jabiyey rikoorkii dunida ee 800m iyo
1000m wuxuuna qaaday biladdii ugu horaysay ee 800m indoorka ee DAHABKA
magaalda VELECIA EE DALKA ESPAIN.
Suudaan sanadkan 2008ka waxay kala soo hoyatey biladdii ugu horaysay
abidkood ee OLYMPICADA.
Jaamac wuxuu hadda gacanta ku hayaa oroyahanka kowaad ee adduunka 800m
ABUBAKER KAKI iyo kan sedexaad isla 800m ISMAIL AHMED ISMAIL
Cayaarihi lagu qabtay dalaka shiinaha waxay ka soo hooyeen billad qalin
ah ORODKA 800M waxaana usoo hooyey orodyahanka la yiraahdo ISMAIL AHMED.
Kaas oo JAAMAC gaarsiiyey ilaa heerkaas ilaah ka sokow.
Jaamac wuxuu hadda ka mid yahay saddexda tababare ee ugu maga dheer
dunida dhinaca orodada taasoo dhawaan la filayo in lakala saaro kan ugu
fiican oo aan rajaynayno inuu jaamac noqdo qofka koowaad. Haddii allaha
awooda lihi yiraahdo.
|
|