Qormo uu ina soo gaarsiiyay Siyaasiga Rug cadaaga ah Inj. Xasan Max’uud Abuukar uuna kaga hadlaayay Istaraatiijiyada Dhismaha Dowladd Goboleedka Koonfurta Soomaaliya ayaa waxa uu cinwaan ugu dhigay (Hab-Raaca Istaraatiijiyada Dhismaha Dowladd Goboleedka Koonfurta Soomaaliya) Qornadan ayuu Siyaasiga Inj. Xasan ugu tala galay inuu ku iftiimayo hanaanka iyo Qorshaha dhismaha Dowladda Goboleedka koofurta Soomaaliya ee Lixda Gobol isagoo Qoraalkiisa ku bilaabay sidan tan:-
A-Mabaadii,
1-Dhismaha Dowlad Goboleedka Koonfurta Soomaaliya (Loogana magac darey Koonfur Galbeed Soomaaliya) waa arin aan laheyn tanaasul.
2-Dowlad Gobloleedka Koonfurta soomaaliya waxay qeyb ka tahay Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya.
3-Magacyada Gobolada Koofurta Soomaaliya waa sidan:-
B) Gobolka Sh/hoose
T) Gobolka J/hoose
J) Gobolka J/dhexe
X) Gobolka Baay
Kh) Goboka Bakool
D) Gobolka Gedo
4-Awoodaha Dhismaha Dowlad Goboleedka waxaa xaq u leh dadka deegaanka rasmiga u leh Lixdaa Gobol.
5-Howlaha Dhismaha Dowlad Goboleedka Koofurta Soomaaliya waxaa sharci iyo dastuuri ah in lagu qabto gudaha dalka.
6-Hanaanka Dhismaha Dowlad Goboleedka waxaa ka reeban Is-quursiga, xaqiraadda iyo jawi kasta oo abuuri kara cunfi sida halbeega xun ee 4.5.
B) Ambaqaadka Dhismaha Dowlad Goboleeka koonfurta Soomaaliya
1-In Abaabulka dhismaha laga soo bilaabo gunta hoosesi loo helo talada iyo fekirka dhamaan dadka ay khuseyso qadiyadda.
2-In kulamo wada tashi ah oo googol xaar ah ayna ka qeyb galaan qeybaha bulshada ee kasoo jeeda deegaanadaas Lixda Gobol.
3-In la dhiso gudi farsamo oo ka kooban dad matalaya deegaanadaas, iyadoo gudigaasi u qeybsamayo dhowr gudi hoosaad.
4-Gudi kasta oo ka mid ah gudiyadaas waxaa la cadeynayaa howlaha uu u xil saaran yahay.
5-Warbaahinta gudaha iyo debada in lagu shaaciyo gudoonka dhismaha Dowlad Goboleedka Koofurta Soomaaliya, ayna bixiyaan cadeyntaas dad matalaya bulshada Lixda Gobol.
6-In la sameeyo wacyi gelin bulshadeed, iyadoo la adeegsanayo gudiga abaabulka, Odeyaasha dhaqanka, Bulshada Rayidka, Warbaahinta qeybaheeda kala duwan iyo Siminaaro.
7-Inla abuuro gudi siyaasadeed oo kooban kaasoo hagaaya kana talo bixinaya talaabo qaadka geedi socodka dhismaha dowlada.
8-Gudigaa siyaadaeed wuxuu kaloo noqonayaa marjac hadii wax khilaaf ah yimaadaan xalinaya.
9- Waxaa si dhow looga shaqeynayaa sidii laysugu soo dhaweyn lahaa aragtiyada dhowrka ah ee ku saabsan dhismaha Dowlad Goboleedka.
10-In Bayaan cad laga soo saaro fara gelinta dheeraadka ee dowlada Kenya gaar ahaan iyo guud ahaan dalalka IGAD.
11-In la helo lana cadeeyo mowqifka Dowladda dhexe ee Soomaaliya ee ku aadan fara gelinta.
12-Maadaama uu waqtiga isa soo gurayo ayna socdaan Olole badan waxaa muhiim ah in lasoo dedejiyo qabashada kulan guud oo lagu mudeynayo xiliga munaasabka ah ee ku dhawaaqida Dowlad Goboleedka.
13-Dowladda dhexe ee Soomaaliya doorka kaga aadan dhismaha Dowlad Goboleedka oo tas-hiilaadka kala duwan ee looga baahan yahay in la weydiisto.
14-In ku dhawaaqida dhismaha Dowlad Goboleedka ka hor waxaa daruuri ah in la xaqiijiyo arimaha soo socda:-
A) Diyaarinta Dastuur KMG ah.
B) Meeleynta dhaqaalaha lagu fulinayo howlaha kala duwan ee dhismaha Dowlad Goboleedka.
C) Farsamo ahaan in leysu soo dhaweeyo hanaanka qeybsiga Awoodaha hogaaminta Dowladd Goboleedka.
15-In loo Ololeeyo sidii loo heli lahaa taageerida siyaasadeed ee Dowladdaha iyo howlaha fudeydeynta ee looga baahan yahay Urur Goboleedka IGAD.
16-In la helo lagana shaqeeyo siyaasad cad oo fur-furan oo daamanad qaadeysa xaquuqda muwaadinka kasta oo u dhashay Lixdan Gobol, islamarkaana aanay ku xad gudbeynin xaquuqda dadka kale ee Soomaaliyeed Walaalaha aan wadaagno Soomaalinimada, Ciida Calanka iyo aan kaloo wadaagno Dowadda dhexe.
Wabilaahi Towfiiq
Waxaa Qorey. Inj. Xasan Max’uud Abuukar
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH
Taageere aad iyo aad ah ayaan u heynaa mar hadii dadka dhulka leh ey wax dhisanaayaan kana waxna u ogolyihiin dadkii 1974kii lasoo dajiyay abaarahaas saameeyay ee isir ahaan kasoo jeeda beesha ogaadeen