Gen: Cadde Muuse Xirsi oo horay u soo noqday Mid ka mid ah Madaxweynayashii hore ee maamulka Puntland ayaa sheegay in uu u tagay maamulkaasi xalinta khilaaf siyaasadeedka ka taagan deegaanada Puntland.
Madaxweynihii hore maamulka Puntland Gen: Cadde Muuse oo ku sugan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inuu socdaal ku soo maray magaaliyinka Garoowe, Boosaaso, Qardho iyo meelo kale isagoo tilmaamay inuu deegaanadaasi u tagay sidii uu xalin lahaa khilaaf Siyaasadeedka ka taagan Puntland.
“Puntland waxaan u tagay sidii aan u xalin lahaa khilaaf siyaasadeedka ka taagan hogaanka maamulkaas” ayuu yiri deegaanada maamulka Puntland waxaa ka taagan khilaaf u dhaxeeya madaxweyne C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole iyo Musharaxiin u taagan qabashada Xilka Madaxtinimada Puntland.
Khilaafka u dhaxeeya Faroole iyo Siyaasiyiinta ayaa salka ku haya muddo kororsiga madaxweynaha maamulkaasi, waqtiga ayaa la sheegay inuu ku egyahay 7/01/2013 si doorashada ay u dhacdo 8/01/2013, hase yeeshee Faroole ayaa diiday isagoo ku adkeysanaya in doorashada ay dhaceyso 8/01/2014ta oo hal sano kadib ku beegan.
Ugu danbeyntii lama oga in madaxweynihii hore maamulka Puntland Gen: Cadde Muuse ku guuleysto xalinta khilaaf Siyaasadeedka u dhaxeeya Faroole iyo Musharaxiinta u taagan xilka maamulkaasi.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH