Thursday, April 24th, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Gaadiid ay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa oo lagu qabtay Afgooye.

Published on January 3, 2013 by   ·   No Comments

gaari-walxo-laqabtay_2-618x463Guddoomiyaha gobolka Sh/hoose maamulka dowladda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Siidii ayaa sheegay in maamulkiisu fashilyay Qaraxyo qorsheysan oo la doonayay in laga geysto Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

C/qaadir Sidii ayaa sheegay gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay ku qabteen duleedka Degmada Afgooye kaasoo la doonayay sida uu yiri in gudaha u galo Muqdisho qaraxyana ka geysto.

“Ciidamada Amaanka Sh/hoose waxay ka hortageen inay fashiliyaan qaraxyo la damacsanaa in laga geysto Muqdisho gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray  lana damacsanaa in qaraxyo loogu geysto Muqdisho ayaa qabanay” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Sh/hoose maamulka Dowladda C/qaadir Sidii oo la hadlay warbaahinta Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkiisu ku guuleystay xaqiijinta amaanka gobolka Sh/hoose iyo ka hortagida qorshayaal amaanka ka horjeeda oo la doonayay in laga fuliyo Magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii maamulka ayaa sheegay in arrintaasi ay fuliyeen Ciidamada amaanka  kadib howlgalo Amaanka lagu sugayo oo ay ka sameeyeen gobolka Sh/hoose kuna soo qabteen gaarigaasi.

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind