Sunday, April 20th, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Fowsiyo Yuusuf Xaaji oo dib ugu soo laabtay dalka kana warbixisay Safarkii ay ku joogtay Dalalka Caalamka.

Published on February 20, 2013 by   ·   No Comments

fowsiya-yuusufFowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta Dalka dib ugu soolaabatay ayaa kawarbixisay safarkii ay ku joogtay Dalalka Caalamka ee Soomaaliya xiriirka la leh.

Wasiirada ayaa sheegtay inay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka codsatay in Soomaaliya laga qaado cuna qabateynta saran lagana taageero dhismaha ciidamada Badda Soomaaliya si looga hortago burcad badeeda ka qowlaysata badweynta Soomaaliyeed iyo badaha caalamka.

Sidoo kale waxay sheegtay wasiirada inay kawada hadleen qaar katirsan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay sidii ciidanka badda  Soomaaliya ay awood ugu yeelan lahaayeen la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida taasina ay ku imaan karto in dib udhis ballaaran lagu sameeyo ciidanka badda ee Soomaaliya.

waxay sheegtay wasiirada inay meel wanaagsan marayso wada hadalka iyo qorshaha lagu gaari lahaa xal iyo hormar ay kutalaabsato Soomaaliya sida ay sheegtay.

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind