Thursday, April 24th, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Dowladda Ingiriiska iyo maamulka Somaliland oo ka wadahadlayo digniintii Amaanka.

Published on February 3, 2013 by   ·   No Comments

ingiriiska-iyo-somaliland-flagsWafdiyo ka kala socday Maamulka isku magacaabay Somaliland iyo dowladda Ingiriiska ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku leh kulan howleed ay kaga wada xaajoonayaan digniintii ay dowladda Ingiriisku ka soo saartay dhawaan ammaanka Somaliland.

Kulanka oo la filayo inuu saacadaha soo socda u bilaabmo labada dhinac, waxa dhinaca Somaliland uga qeybgalaya wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo taliyaha sirdoonka Jaamac Maxamed Bootaan, kuwaas oo dhawaan u ambabaxay magaalada Jabuuti, halka ay dowladda Ingiriiskana uga qeyb geli doonaan safiirkooda u fadhiya magaalada Addis Ababa iyo saraakiil kale oo ka iman doonta magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, waxaa la filayaa inay kulankaas Somaliland ku weydiisato dowladda Ingiriiska faahfaahin la xiriirta digniinta amni ee ay bixisay oo ay xukuumadda Somaliland sheegtay inaanay waxba ka jirin.

Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Kenya oo qaabilsan Soomaaliya Danjire Matt Baugh ayaa hore u sheegay inuu ka mid yahay mas’uuliyiinta bixiyey digniinta, waxase uu sheegay inay wadahadal la leeyihiin Somaliland.

Si kastase waxaa la filayaa inay labada dhinac kulankooda xal kaga gaaraan aragtiyahooda kala duwan ee la xiriira digniinta Ingiriiska.

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind