Wararka naga soo gaaraya Degmooyinka Janaale iyo Owdheegle ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya xalay halkaasi dagaal culus oo sababay khasaare nafeed ku dhexmaray Ciidamada AMISOM, kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo Xarakada Alshabaab.
Dad goobjoogayaal ah oo ku sugan Degmooyinkaasi ayaa warbaahinta u sheegay dagaalka inuu ahaa mid culus oo ay halkaasi ku soo qaadeen Ciidamada Xarakada Alshabaab Xero Ciidamada AMISOM ku leeyihiin, kadibna dagaal culus ka dhex qarxay gudaha Xerada la weeraray.
Dagaalka oo xili habeen ah dhexmaray dhinacyadaasi ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac labada dhinac kala gaaray.
Inta la ogyahay ugu yaraan 7 ruux ayaa ku dhimatay dagaalka waxaana la sheegay inay dhammaan isugu jiraan dhinacyadii dagaalamay.
Dadka deegaanka dagaalka kadib waxay inoo sheegeen in halkaasi saaka howlgalo ka bilaabeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, ayagoo dhalinyaro ku soo qabqabtay howlgalkaasi.
Xarakada Alshabaab kama hadlin wali dagaalkii xalay Degmooyinka Janaale iyo Owdheegle kula galeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.
KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH